Bishaaro Farxad U Ah Walaalaha Cusub Ee Al-Aafaaq: Nidaamka Qorista Mowduuc cusub ee Shabakadda Islaamiga Al-Aafaaq  


Gadaal u Laabo   Shabakadda Islaamiga Al-Aafaaq >
.::Qaybaha Caamka ah::.
> Muntadaha Dhacdooyinka & Siyaasaadka Sharciga

Jawaab naq
Thread Starter Abu Sumayah Ka qayb-gallo 0 Views 20  Show Printable Version | Email this Page | Subscription
Faafi |
Faafi Mowduuca
 
Thread Tools Display Modes
Duug Ah Maaalin ka hor   #1
 
Abu Sumayah

.:: Xubin Dadaal Badan ::.
 
Abu Sumayah's Avatar

Join Date: Jul 2018
Posts : 618



Wuu Maqanyahay
Fulin la'aan Doonyo Shidaal Siday oo Lagu Weeraray Xeebaha Cummaan.

Labo doonyo oo waaweyn, islamarkaana ah noocyada shidaalka qaada ayaa lagu weeraray xeebaha gacanka Cummaan, waxaana gaaray waxyeello kala duwan.

Doonyahan la weeraray waxay midi katimid xeebta Abuu Dubai ee wadanka Imaaraadka Carabta, waxaana ay shidaal u waday wadanka Norway, halka doonida labaad ay kasoo raratey xeebaha maamulka Aala-sucuud, iyadoo kusii jeeday wadanka Sangabuur.

Shaqaalaha labada doon ayaa waxaa qaarkood soo gaaray dhaawacyo fudud, waxaana ay sheegeen iney la kulmeen weerar lagu soo qaadya oo aysan noociisu fahmin.

Mid kamid ah laba doon ee weerarka la kulmay waxay weli ku sugantahay xeebaha gacanka Cummaa, waxaana shaqaalaha laga saaray badda, iyagoo hadda ku sugan wadanka Cummaan.

Maraykanka oo hadlay wuxuu sheegay inuu la socda wararka la xiriira weerarkan, ayna billaabeen baaritaanno iyo gurmad lagu badbaadinayo shaqaalaha doomaha la weeraray.

Inta badan dowladaha caalamka ayaa ka hadlaya weerarkan, waxaana weli cadeyn cida ka dambeysa, inkastoo farta lagu fiiqayo malleeshiyaad daacad u ah Iiraan, oo ku firirsan qaar kamid ah wadamada carabta.

Bishii hore ee aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii afar doon lagu weeraray xeebaha wadanka Imaaraadka carabta, kuwaas oo illaa iyo hadda lagu jah wareersanyahay cida ka dambeysa.

Waxaa muuqaneysa inuu Caalamka ka billowday dagaal dhanka badda ah, taas oo dhulka gelin karta dhaqaalaha dowladaha reer galbeedka iyo kuwa Carabta ee taageera Maraykanka.



Xigasho: AmiirNuur Media

  Reply With Quote
Jawaab naq

Bookmarks


Currently Active Users Viewing This Thread: 1 (0 members and 1 guests)
 
Thread Tools
Display Modes

Talooyinka ka qayb qaadashada
You may not post new threads
You may not post replies
You may not post attachments
You may not edit your posts

BB code is waa la heli karaa
Smilies are waa la heli karaa
Kowdka [IMG] waa la heli karaa
Kowd-ka HTML Taagan

Ka gudbid dhakhso ah.


Saacada oo Dhan Waa GMT +3. Hadane Saacaddu waa 03:02 AM.


Powered by vBulletin® Copyright ©2000 - 2019